๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐๐๐ซ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐๐๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ช๐จ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐๐๐๐๐
Muqdisho, Soomaaliya โ Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay tababar loo qabtay Shirkadaha Shaqosiinta Dibadda (Private Recruitment Agencies).
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray barashada Habka Caalamiga ah ee (๐๐ง๐ญ๐๐ซ๐ง๐๐ญ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐๐๐๐ซ๐ฎ๐ข๐ญ๐ฆ๐๐ง๐ญ ๐๐ง๐ญ๐๐ ๐ซ๐ข๐ญ๐ฒ ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐๐ฆ (IRIS) iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha loo qaadayo dibadda, si loo hubiyo in shaqaalaha Soomaaliyeed lagu ilaaliyo sharciyada dalka iyo kuwa caalamiga ah.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ku dhiirrigeliyay Shirkadaha Shaqosiinta Dibadda in ay ka faaโiideystaan tababarkan, isaga oo xusay in Wasaaraddu diyaar u tahay bixinta tababaro iyo tayeyn joogto ah, si shirkaduhu u gutaan waajibaadkooda shaqo si hufan oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Hayโadda IOM wada-shaqeynta dhow iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
DHAMAAD





