Ministry of labour and social affairs

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Ÿ“-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐จ๐จ๐ฑ๐๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐ž๐ž ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š

ย 
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yussuf Wadani, ayaa si rasmi ah u daahfuray shirkii 5-aad ee Kooxda Farsamada ee Socdaalka Shaqaalaha (Technical Working Group on Labour Migration), kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
ย 
Shirkan oo ay ka qayb galeen hayโ€™adaha dowliga ah iyo daneeyayaasha la shaqeeya wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista horumarka laga sameeyay arrimaha socdaalka shaqaalaha, ka gudbidda caqabadaha jira, iyo dejinta istiraatiijiyado lagu dhisayo siyaasado waara oo kor u qaada xuquuqda iyo fursadaha shaqaalaha Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda.
Agaasimaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo nidaam hufan oo lagu maareeyo socdaalka shaqaalaha, si loo xaqiijiyo in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuq dhowran iyo fursado shaqo oo caddaalad ku dhisan.
ย 
Intii uu socday shirka, waxaa lagu falanqeeyay xalalka dhibaatooyinka haysta shaqaalaha socdaalka ah, iyadoo sidoo kale la dejin doono talooyin lagu horumarinayo nidaamka socdaalka shaqaalaha ee Soomaaliya, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo dadaallada dowladda ay ugu jirto horumarinta fursadaha shaqo.
ย 
DHAMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

7 + 1 =

Scroll to Top