๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐๐ซ-๐๐ข๐๐๐๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐๐๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ช๐จ-๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoomiyay Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Jaamac, ayaa maanta meel mariyay Xeer-Nidaamiyaha Shirkadaha Shaqo-siinta Gaarka ah.
Xeer-nidaamiyahan, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa ka tarjumaya himilooyinka horumarineed ee la xiriira shaqaalaha Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saarayo kor u qaadista iyo horumarinta nolosha shaqaalaha gudaha iyo dibadda.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta xeerkan, isagoo tilmaamay in ujeeddada Xeer-Nidaamiyahani tahay in la aqoonsado lana rasmiyeeyo kaalinta shirkadaha gaarka loo leeyahay ee qorista iyo meeleynta shaqaalaha gudaha iyo dibadda.
DHAMAAD


