Ministry of labour and social affairs

๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐š๐š๐›๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐’๐š๐ก๐š๐ง๐ค๐š ๐—๐จ๐ -๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š, ๐‡๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ฒ๐ฌ๐š๐ฌ๐ค๐š (๐Œ๐ˆ๐‚๐’๐Ÿ•)

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeyb-galay daahfurka Wareegga 7-aad ee Sahanka Tusayaasha Badan (MICS7) ee Soomaaliya, kaas oo xog dhammaystiran ka ururin doona carruurta, haweenka iyo qoysaska Soomaaliyeed.
Munaasabadda furitaanka waxaa khudbad furitaan ah ka jeediyay Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana sidoo kale ka soo qeybgalay Wasiiro ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socda Bangiga Adduunka, UNICEF, WHO, bulshada rayidka, bahda waxbarashada iyo warbaahinta.
Sahanka MICS7, oo ay hoggaamineyso Hayโ€™adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed (SNBS), ayaa laga fulin doonaa magaalooyinka, miyiga, xeryaha barakacayaasha iyo bulshada reer guuraaga. Xogta laga helayo sahankan ayaa noqon doonta hagitaan muhiim ah oo lagu dhisayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025โ€“2029) iyo hirgelinta Yoolalka Horumarka Waara (SDGs).
Sahanka MICS7 wuxuu daboolayaa 168 tilmaamood, oo ay ku jiraan 47 tilmaamood oo ka mid ah SDGs. Tani waxay Soomaaliya u horseedi doontaa helitaanka xog lagu kalsoonaan karo, taas oo lagama maarmaan u ah qorsheynta horumar waara iyo xaqiijinta nolol wanaagsan oo ay helaan bulshada Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

÷ 1 = 7

Scroll to Top