Ministry of labour and social affairs

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š, ๐ฑ๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐š๐ฅ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda SIMAD ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashi la xiriira shaqo-abuurka dhallinyarada, horumarinta xirfadaha, hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiga.
Heshiiskan ayaa dhidibada u aasaya iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan leh, oo ay ku jiraan adeegyada shaqo-raadinta, waxbarashada farsamada iyo xirfadaha (TVET), cilmi-baarista iyo siyaasadaha shaqada, taageeridda ganacsiyada yaryar, iyo kobcinta xirfadaha la xiriira cimilada iyo shaqooyinka cagaaran.
Heshiiska waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, iyo Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Cabdikariim Muxudiin Axmed.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la qabto bandhigyo shaqo, la dhiirrigeliyo xirfadaha la jaanqaadaya baahida suuqa shaqada, la mideeyo heerarka waxbarasho ee TVET, lana horumariyo siyaasadaha shaqo-abuurka iyadoo lala kaashanayo hayโ€™adaha dowladda, deeq-bixiyeyaasha iyo ganacsatada gaarka ah.
Sidoo kale, heshiiska waxa uu mudnaanta siinayaa ka-qaybgalka bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, haweenka, barakacayaasha iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyadoo la horumarinayo xirfadaha cimilada u adkeysan kara iyo fursadaha shaqo ee waara.
Iskaashigan waxa uu tusaale u yahay sida dowladda iyo hayโ€™adaha tacliinta sare ay uga goโ€™an tahay in la kobciyo aqoonta, xirfadaha iyo fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed si ay kaalin muuqata uga qaataan horumarka dalka.
Heshiiskan waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen, iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Aamino Xuseen Cali.
DHAMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

5 × 9 =

Scroll to Top