Ministry of labour and social affairs

Agaasimaha Guud Mudane Yussuf Wadani, ayaa ka qayb galay shirkii 4aad ee Kooxda Socdaalka Shaqaalaha (LMAG), kaas oo ka dhacay magaalada Juba ee Koonfurta Suudaan

Agaasimaha Guud Mudane Yussuf Wadani, ayaa ka qayb galay shirkii 4aad ee Kooxda Socdaalka Shaqaalaha (LMAG), kaas oo ka dhacay magaalada Juba ee Koonfurta Suudaan.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yussuf Wadani ayaa ka qayb galaya kulanka 4aad ee Labour Migration Advisory Group (LMAG), oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay waddamada Geeska iyo Bariga Afrika, waxaana uu ka socdaa magaalada Juba ee Koonfurta Suudaan.

Agaasimaha Guud ayaa kulanka ka jeediyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda iyo horumarka Soomaaliya ee dhinaca socdaalka shaqaalaha (Labour Migration), waxa uu si qoto dheer u sharaxay tallaabooyinka ay Soomaaliya ku horumarisay dejinta, hirgelinta iyo meel-marinta shuruucda iyo siyaasadaha la xiriira maamulka socdaalka shaqaalaha.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay tahay dal ay shaqaaluhu asal ahaan ka soo haajiraan, dal ay u maraan si transit ah, dal ay shaqaale kale u soo haajiraan si ay shaqo uga helaan, isla markaana ay sidoo kale tahay dal ay dib ugu soo laabtaan qaar ka mid ah muwaadiniintii horey uga shaqeeyay dalalka kale.

Intii uu socday bandhiggiisa, Agaasimaha Guud ayaa adkeeyay ballanqaadka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee ku aaddan dhisidda hannaan waara, hufan, isla markaana nidaamsan oo lagu hago socdaalka shaqada.

Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga heer gobol, si loo helo isku-duwid iyo jawaab-wadaag wax-ku-ool ah oo la xiriira maamulka socdaalka shaqaalaha.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 × = 6

Scroll to Top