Ministry of labour and social affairs

π‡πžπ¬π‘π’π’π¬π€πš π–πšππš-π’π‘πšπͺ𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐔 𝐝𝐑𝐚𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐑𝐚𝐝𝐀𝐚 𝐁𝐚𝐝πͺπšπ›π€πš 𝐒𝐲𝐨 π‚πšπšπŸπ’π¦πšπšππ€πš π†π¨π¨π›πšπ‘πš π’π‘πšπͺ𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚π₯𝐚π₯𝐀𝐚 π’π¨π¦πšπ₯𝐒𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐌𝐚π₯𝐚𝐲𝐬𝐒𝐚

Machadka badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS (NIOSH Somalia) ayaa heshiis wada shaqayn iyo iskaashi la saxiixday machadka badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada ee dalka Malaysia (NIOSH Malaysia).   Heshiiskan waxaa wada saxiixay agaasimaha machadka badqabka Soomaaliya, Mudane Cumar Daahir Maxamuud, iyo agaasimaha machadka badqabka dalka Malaysia, Mudane Haji Ayop Salleh. Ujeedada heshiiskan waa in la xoojiyo badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada, iyadoo la adeegsanayo khibradaha Malaysia.   Heshiiskan wuxuu fursad u siin doonaa Wasaaradda in ay horumariso heerarka badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada, iyada oo la kaashanaya khubaro iyo farsamo yaqaano ka socda Malaysia. Heshiiskan ayaa dhaqan galintiisa bilaabi doona dhawaan, iyadoo shaqaalaha ka tirsan Waaxda Badqabka iyo Machadka Badqabka ay tababar ku soo qaadan doonaan dalka Malaysia.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

8 × = 56

Scroll to Top