Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Wakiilka Hey’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa Saeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta labada dhinac, dardargelinta howlaha taakuleynta qoysaska Nugul iyo ka hortagga Macaluusha carruurta Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale boggaadiyay howlgalka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob -joog u ahaa, Agaasimaha Guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Wadani, iyo maareeyaha mashruuca Daryeelka Bulshada Ee Daneeya Caruurta, Mudane Axmed Xasan.