Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan, ayaa ka qaybgalay daahfurka Mashruuca (EMERGE Program ) oo laga furay magaalada Baydhabo.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan, ayaa maanta magaalada Baydhabo kaga qaybgalay daahfurka Mashruuca (EMERGE Program ) oo loogu talo-galay dadka tabaaleysan si loo gaarsiiyo horumar waara. Munaasabadda mashruuca waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Barnaamijka EMERGE waxa uu ujeedkiisu yahay in lagu taageero bulshooyinka aadka u liita ee la takooray ee ku nool goobaha barakaca iyo bulshooyinka ay la noolyihiin ee martigaliyay. Barnaamijku waxa uu xoogga saarayaa horumarinta iyo ilaalinta sugnaanta cuntada, isaga oo sidoo kale dhisaya adkaysiga si loo xoojiyo iska caabinta saamaynta ay keenaan caqabadaha iyo qalalaasaha. Wasiirka ayaa sheegay in loo baahanyahay in dhalinyarada Soomaaliyeed lagu qalabeeyo xirfado si ay u hormariyaan aqoontooda iyo mustaqbalkooda, wuxuu sidoo kale sheegay in Wasaaradda Shaqada iyo Arimha Bulshada, ay ka go’an tahay in ay abuurto barnaamijyo shaqo abuur ah kuwaas oo lagu horumarinayo xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

− 1 = 1

Scroll to Top