Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka socday Hey’adda NRC ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay wakiilka hey’ada, Mudane Maxamed Cabdi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta labada dhinac, dardargelinta howlaha taakuleynta qoysaska Nugul iyo sidii loo hirgelin lahaa mashaariic shaqo abuur la jaan-qaadaya shaqooyinka xiligan loo baahan yahay. Wasiirka ayaa sidoo kale boggaadiyay howlgalka hay’adda NRC ee Soomaaliya.
Wakiilka hay’adda NRC ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Wasiirka, xoojinta iskaashiga, iyadoo inta ku daray inay ka go’antahay Hey’ada NRC horumarinta barnaamijka ay kala shaqeynayaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.