Ministry of labour and social affairs

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DFS, Mudane Yusuf Xasan Isaaq ayaa manta magaalada muqdisho ku daahfuray kulan loga hadlaayay ilaalinta Bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yussuf Wadani, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Kulanka Joogtada ah ee Isku-duwidda Ka Jawaabidda Masiibooyinka iyo Ilaalinta Bulshada ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Kulankan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa diiradda lagu saari doonaa in la abuuro guddi farsamo oo isku-duwid ah oo ka kooban heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, guddigaas oo si mideysan oo degdeg ah uga hawlgali doona caawinta dadka saboolka ah ee nugul, iyadoo la adeegsanayo nidaamyada casriga ah ee ilaalinta bulshada sida Diiwaanka Bulshada ee Midaysan (USR) iyo Nidaamka Maareynta Macluumaadka ee Gaarsiinta Caawinta (Social Protection Delivery System – MIS). Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dowlad-goboleedyada dalka, howlwadeeno ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

70 − 66 =

Scroll to Top