Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Xil.Yusuf Maxamed Adan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday (IOM).

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Adan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhisidda Nidaamka Macluumaadka Suuqa Shaqada (LMIS) iyo horumarinta siyaasadda socdaalka shaqaalaha, si loo xoojiyo fursadaha shaqo iyo maareynta dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay sida ay dowladdu uga go’an tahay abuurista fursado shaqo, gaar ahaan dhalinyarada, iyo horumarinta nidaam xog-ogaal ah oo lagu hago jiheynta suuqa shaqada. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Waaxda Shaqo Abuurka ee Wasaaradda, Mudane Sakariye Cabdi Xaashi.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

5 + 3 =

Scroll to Top