Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Adan ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay safiirka sacuudiga u qabilsan arrimaha somaliya md. Axmed Bin Maxamed Al Muwallad.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Adan , ayaa maanta kulan wax ku ool ah la qaatay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al Muwallad. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee xubnaha ka wada ah Jaamacadda Carabta, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa dhinacyada shaqada iyo arrimaha bulshada. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa bogaadiyay iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, isagoo si gaar ah diiradda u saaray dardargelinta heshiiskii shaqo-siinta dibadda ee dhawaan ay kala saxiixdeen labada dal.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

× 4 = 28

Scroll to Top