𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐛𝐮𝐮𝐭𝐢 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka oo ku saabsanaa soo dhaweyn iyo is-xogwaraysi ayaa diiradda lagu saaray barnaamijyada arrimaha bulshada (Social Affairs), tababarada farsamada gacanta, iyo xirfad siinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wasiir Yuusuf ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xilliyo adag garab istaagay dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay booqashada sharafeed uu ku yimid Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.
DHAMAAD




