Ministry of labour and social affairs

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐—๐ž๐ž๐ซ-๐๐ข๐๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š๐๐š๐ก๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐จ-๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐†๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐š๐ก

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoomiyay Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Jaamac, ayaa maanta meel mariyay Xeer-Nidaamiyaha Shirkadaha Shaqo-siinta Gaarka ah.

Xeer-nidaamiyahan, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa ka tarjumaya himilooyinka horumarineed ee la xiriira shaqaalaha Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saarayo kor u qaadista iyo horumarinta nolosha shaqaalaha gudaha iyo dibadda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta xeerkan, isagoo tilmaamay in ujeeddada Xeer-Nidaamiyahani tahay in la aqoonsado lana rasmiyeeyo kaalinta shirkadaha gaarka loo leeyahay ee qorista iyo meeleynta shaqaalaha gudaha iyo dibadda.

DHAMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

5 + = 9

Scroll to Top