๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐ก๐๐๐ซ ๐ฌ๐๐ซ๐ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ฅ๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ (๐๐จ๐๐ข๐๐ฅ ๐๐ซ๐จ๐ญ๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง)
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa furay shir heer sare ah oo looga hadlay hanaanka ilaalinta bulshada (Social Protection).
Shirkan oo socday muddo Seddex maalmood ah, ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu gorfeeyo hanaanka ilaalinta bulshada iyo sidii loo horumarin lahaa dadaallada lagu dhisayo nidaam badbaado oo isku-xiran, isla markaana ay dhammaan muwaadiniintu ka wada faaโiideysan karaan.
Kulanka waxa ka soo qayb galay masโuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xildhibaannada labada aqal ee guddiga adeega arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyo hawl-wadeennada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.
DHAMAAD