Ministry of labour and social affairs

Wasiiru Dowlaha MD. Caynaanshe Yuusuf Xuseen oo Shir u furay Guddiga Hagidda Mashruuca (SEIP).

Wasiiru Dowlaha MD. Caynaanshe Yuusuf Xuseen oo Shir u furay Guddiga Hagidda Mashruuca (SEIP).

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (JFS) waxay qabatay Shirka ay yeesheen Guddiga Hoggaaminaya Mashruuca Xirfadaha Shaqada iyo Kobcinta Wax soo-saarka Dhalinyarada ee SEIP.

Shirka waxaa furay MD. Caynaanshe Yuusuf Xuseen, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana diiradda lagu saaray dib u eegista howlaha mashruuca ee la dhammeeyay iyo kuwa socda, sidoo kale arrimaha horetebinta leh ee ay tahay in dhammaan dhinacyada ku lugta leh mashruuca ay iska kaashadaan.

Wasiiru dowlaha MD. Caynaanshe ayaa u mahadceliyaya dhammaan xubnaha ka socday Wasaaradaha DFS, loo shaqeeyaha, Xarumaha Tababarada iyo Xubnaha howl fulinta mashruuca isagoo kula dardaarmay in la sii wado wadashaqeynta dhinacyada si loo hubiyo gaaritaanka yoolasha wax ku oolka ah ee mashruuca SEIP.

Ugu dambeyntii, shirka ayaa ku soo dhammaaday isfaham buuxa iyadoo xubnaha guddigu ay meel mariyeen qorshe howleedka ee Mashruuca iyo Odoroska maaliyadeed ee Sanadka 2026

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

9 + 1 =

Scroll to Top