Shirweynahaan oo ay kasoo qeyb galeen wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, siyaasiyiin, hay’ado caalami ah, shirkado ganacsi, iyo marti-sharaf kale ayaa waxuu kulmiyay shaqo-doonayaal iyo loo-shaqeeyayaal, ayadoo bulshada kasoo qeyb gashay ay heleen fursad ay si toos ah ugu xiriiraan shirkadaha iyo hay’adaha bixiya shaqooyinka, isla markaana kor loogu qaado fursadaha shaqo-abuurka dalka.
Mas’uuliyiintii kasoo qayb gashay ayaa bogaadiyay qabanqaabada madasha, iyagoo xusay muhiimadda bandhigu u leeyahay horumarinta xirfadaha dhalinyarada iyo shaqo-abuurka dalka.
Shirweynahan ayaa muujinaya dadaallada dowladda iyo hay’adaha shaqo-abuurka ee lagu horumarinayo xirfadaha iyo fursadaha dhalinyarada Soomaaliyeed, si loo yareeyo shaqo la’aanta loona abuuro mustaqbal shaqo oo waara.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyoow Ibroow ayaa soo xiray shirweynaha, isagoo uga mahadceliyay ka qayb galayaasha, masuuliyiinta, iyo ganacsatada ka soo qeyb gashay bandhiga, asigoo sidoo kale dhalinyarada ku dhiirrigeliyay in ay ka fogaadaan tahriibka, ku kalsoonaadaan fursadaha gudaha, ka faa’iidaystaan shaqooyinka la heli karo, isla markaana maal-gashadaan dalka.