Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Prof. Salim Alio Ibro, booqasho sharafeed ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Prof. Salim Alio Ibro, oo Safar shaqo ku jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa maanta booqasho sharafeed ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya. Wasiirka waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle, kaas oo uga warbixiyay adeegyada diblomaasiyadeed ee socda, xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya, iyo dadaallada ay safaaraddu ka waddo xoojinta adeegyada muwaadiniinta Soomaaliyeed.
 
Wasiir Prof. Salim ayaa uga mahadceliyay safaaradda dadaalka ay ku bixiso u adeegidda muwaadiniinta, isaga oo adkeeyay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay diyaar u tahay xoojin iyo kordhin wada-shaqeyn toos ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira shaqo-abuurka, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyo kobcinta adeegyada bulshada ee labada hay’adood ka wada shaqeeyaan. Wasiirku wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada dowladda, safaaradda, iyo bulshada rayidka ah si loo hormariyo Adeegyada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee ummadda Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

35 ÷ = 35

Scroll to Top