Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa Muqdisho ku qabatay aqoon-is-weydaarsi lagu qiimeynayo lixdii sano ee la hirgeliyay Barnaamijka Baxnaano.
Kulanka oo uu furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yussuf Wadani ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, kooxaha farsamada iyo saaxiibada horumarinta.
Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda la saaray casharradii laga bartay hirgelinta Baxnaano iyo sidii loo xoojin lahaa fulintiisa, iyadoo barnaamijka u gudbayo wejigiisa labaad.