Ministry of labour and social affairs

Soomaaliya iyo Turkiga oo Bilaabay Hirgelinta Heshiiskii Iskaashiga ee 2016 (MoU June 2016)

Ankara, 13 Janaayo 2026 – Soomaaliya iyo Turkiga oo Bilaabay Hirgelinta Heshiiskii Iskaashiga ee 2016 (MoU June 2016) Waxaa magaalada Ankara lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayo fulinta heshiiskii Iskaashiga (MoU June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS iyo Wasaaradda Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga. Munaasabadda ayaa waxaa si rasmi ah u guddoomiyay Wasiirka Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işıkhan, iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Prof. Salim Alio Ibro, iyadoo ay goob joog ahaayeen Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga, Agaasimaha Guud Mudane Yusuf Hassan, iyo xubno kale oo ka tirsan wafdiga labada dal. Kadib munaasabadda, waxaa xigay kulan farsamo oo diiradda lagu saaray 15-ka qodob ee lagu hirgelin doono muddada 2026–2027, kuwaas oo saldhig u noqon doona xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada shaqada, tababarka xirfadaha, badbaadada shaqaalaha iyo goobaha shaqada (OSH), iyo horumarinta adeegyada bulshada. Labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo hirgelinta qodobada heshiiska, si loo xoojiyo hay’adaha shaqada ee Soomaaliya iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee Dowladda Turkiga.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

24 ÷ 4 =

Scroll to Top