Ministry of labour and social affairs

Wafdi ka socda Wasaaradda Shaqada ee JFS ayaa booqday Xarunta Ururka Shaqaalaha Dowladda Turkiga. MEMUR-SEN

Wafdi ka socda Wasaaradda Shaqada ee JFS ayaa booqday Xarunta Ururka Shaqaalaha Dowladda Turkiga. MEMUR-SEN

Ankara, 14 Janaayo 2026 — Wafdi ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Prof. Salim Alio Ibro, ayaa booqday xarunta dhexe ee MEMUR-SEN, Ururka Midowga Shaqaalaha Dowladda Turkiga. Booqashadu waxay qayb ka ahayd socdaal shaqo oo wafdiga Soomaaliyeed ku joogay Turkiga, waxaana lagu soo bandhigay qaab-dhismeedka, maamul-hawleedka, iyo doorka MEMUR-SEN ee matalaadda iyo difaaca xuquuqda shaqaalaha dowladda.

 
Intii kulanka socday, waxaa la falanqeeyay doorka ururrada shaqaalaha ee xoojinta wada-hadallada bulshada iyo dhisidda nidaam shaqaale oo hufan. Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay MEMUR-SEN soo dhoweynta, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka faa’iideysanayso waayo-aragnimada Turkiga si loo xoojiyo hay’adaha shaqada iyo wada-shaqeynta ururrada shaqaalaha.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 + 2 =

Scroll to Top