Ministry of labour and social affairs

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arr Bulshada XFS ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Turkiga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Mudane Yussuf Wadani, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, iyadoo kulanka qeyb ka ahaayeen qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waayo-aragnimada Turkiga ee nidaamka Kaalmada Bulshada (Social Assistance System), adeegyada bulshada, ilaalinta qoyska, iyo daryeelka bulshada. Waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay hababka maamulka iyo sida adeegyadaas si hufan loogu gaarsiiyo bulshada. Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada XFS ayaa booqday xarumo farsamo, halkaas oo ay si dhow ugu kuur-galeen habka nidaamyada kaalmada bulshada ee Turkiga u shaqeeyaan iyo adeeg-bixinta tooska ah. Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta Wasaaradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga soo dhoweynta diirran iyo wada-shaqeynta wanaagsan, isaga oo xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee lagu horumarinayo daryeelka bulshada.    

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

99 ÷ = 11

Scroll to Top