Ministry of labour and social affairs

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka JFS, Prof. Salim Alio Ibro, oo ay wehlinayaan Agaasimaha Guud ayaa kulan la yeeshay Hay’adda Caymiska Bulshada ee Turkiga (Sosyal Güvenlik Kurumu – SGK)

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, Prof. Salim Alio Ibro, ayna wehlinayaan Agaasimaha Guud, Mudane Yusuf Wadani, iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa kulan la yeeshay Hay’adda Caymiska Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga (Sosyal Güvenlik Kurumu – SGK). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray habraacyada caymiska bulshada ee Turkiga, qaab-dhismeedka hay’adda, iyo nidaamyada isku-dhafan ee caafimaadka, hawlgabka, iyo kaalmada shaqaalaha. Intii uu kulanku socday, madaxda SGK ayaa soo bandhigay taariikhda iyo habraaca horumarinta nidaamka caymiska bulshada ee Turkiga, iyagoo la wadaagay wafdiga Soomaaliyeed waayo-aragnimo ku saabsan isku xirka adeegyada iyo maamulka dijitaalka ah. Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta iyo is-dhaafsiga aqoonta si loo dhiso nidaam caymis bulsho oo waara oo daboolaya baahiyaha shacabka Soomaaliyeed  

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

18 − = 15

Scroll to Top