Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS Prof. Salim Alio Ibro, oo ka qaybgalay Shirka Caalamiga ah ee Suuqa Shaqada (Global Labor Market Conference)

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS Prof. Salim Alio Ibro, oo ka qaybgalay Shirka Caalamiga ah ee Suuqa Shaqada (Global Labor Market Conference)

(Riyadh, Boqortooyada Sacuudi Carabiya)

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Prof. Salim Alio Ibro, ayaa ka qaybgalay Shirka Caalamiga ah ee Suuqa Shaqada (Global Labor Market Conference), kaas oo ka socda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayna ka soo qayb galeen in ka badan 40 wasiir oo ka kala socday dalalka caalamka.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray mustaqbalka shaqada, isbeddellada casriga ah ee suuqyada shaqada, iyo sidii loo dejin lahaa istiraatiijiyado iyo habraacyo shaqo oo waara, kuwaas oo lagula jaanqaadayo horumarka teknoolojiyadda iyo dhaqaalaha caalamiga ah.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS ayaa shirka ku soo bandhigay xaaladda guud ee suuqa shaqada ee Soomaaliya, isagoo iftiimiyey caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed. Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta barnaamijyo shaqo-abuur ah oo lagu taageerayo dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana lagu horumarinayo xirfadaha ay u baahan yihiin suuqyada shaqada ee casriga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta suuqa shaqada, abuurista fursado shaqo oo waara, iyo kor u qaadista ka-qaybgalka dhallinyarada ee horumarka dhaqaale iyo bulsho ee dalka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

79 − 72 =

Scroll to Top