Ministry of labour and social affairs

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka qeyb gashay shir heer caalami oo ka dhacaayay wadanka liibiya ee magaalada Tripoli.

Waxaa magaalada Tripoli lagu qabtay Shirka heer sare ee Carbeed ee hirgelinta istaraatiijiyadda dadka waayeelka, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Bulshada ee Dowladda Liibiya, iyadoo kaashaneysa Jaamacadda Carabta, isla markaana ay ka soo qeyb galeen wasiirro, masuuliyiin iyo khubaro ka kala socday dalalka Carabta.

Shirka waxaa si rasmi ah u furtay Wasiirka Arrimaha Bulshada, marwo Wafaa Al-Kilani, iyadoo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Abdul Hamid Dbeibeh. Waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Wasiiru Dowlaha Arrimaha Haweenka Randa Gharib, iyo wakiillo ka socday Jaamacadda Carabta iyo dalal badan oo Carbeed.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay shirka waxaa si rasmi ah u matalayay Dr. Mina Hassan Mohamed, Lataliyaha Sare ee Mashruucyada iyo Siyaasadda, iyadoo uu ku wehliyay Yasir Ahmed Abdalla, La-taliyaha Sare ee Isgaarsiinta Istiraatiijiga ah iyo Xiriirka Dadweynaha, kuwaas oo si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha iyo kulamada lagu falanqeynayay horumarinta siyaasadaha bulshada iyo daryeelka dadka waayeelka.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd xoojinta nidaamyada ilaalinta bulshada iyo kor u qaadista tayada nolosha dadka waayeelka, iyadoo la horumarinayo siyaasado iyo barnaamijyo wadajir ah oo Carbeed, iyo isdhaafsiga khibradaha si looga jawaabo caqabadaha bulsho iyo dhaqaale ee ka jira gobolka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

75 − 74 =

Scroll to Top