Maanta waxaa Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ka qabsoomay kulan isbarasho iyo isxog-wareysi ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, kaas oo ay ka qeyb galeen Agaasimaha Guud, Mudane Mohamed Saney Dalmar, Agaasimayaasha Waaxyaha, Maareeyayaasha Mashaariicda iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda.
Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta, dardargelinta howlaha Wasaaradda, iyo kor u qaadista isku xirnaanta shaqo ee u dhaxeysa waaxyaha kala duwan. Wasiirka Wasaaradda ayaa kulanka ka jeediyay hadal dhiirrigelin ah, isagoo ku booriyay dhammaan shaqaalaha iyo hoggaanka waaxyaha inay laba jibbaaraan dadaalkooda si loo gaaro himilooyinka Wasaaradda.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa si gaar ah ula dardaarmay Agaasime Waaxeedyada iyo Madaxda Mashaariicda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la helo wada shaqeyn dhow, isla xisaabtan iyo in la hubiyo in mashaariicda Wasaaradda si hufan loo hirgeliyo.
Kulanku wuxuu sidoo kale fursad u noqday in la is dhaafsado fikrado wax ku ool ah oo ku saabsan tayeynta shaqada iyo dardargelinta mashaariicda socda.