Ministry of labour and social affairs

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay Wasaaraddu la yeelatay Hay’adda UNICEF,

 
 
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Mohamed Saney Dalmar, Ph.D, ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay Wasaaraddu la yeelatay Hay’adda UNICEF, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta Mashruuca Child Sensitive Social Protection (CSSP II) iyo xoojinta nidaamka ilaalinta bulshada ee Soomaaliya.
 
Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay horumarinta nidaamyada dowladda ee Diiwaanka Midaysan ee Bulshada (USR) iyo Nidaamka Maareynta Bixinta Adeegyada Ilaalinta Bulshada (SPDS), si loo hubiyo adeegyo hufan, daahfuran, isla markaana waara.
 
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda diyaar-garowga fatahaadaha la xiriira Super El Niño, isagoo ugu baaqay bah-wadaagta Wasaaradda inay xoojiyaan iskaashiga iyo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah. Ugu dambeyn, wuxuu uga mahadceliyay UNICEF wadashaqeynta joogtada ah, isagoo xusay in Mashruuca CSSP II, oo hadda ka socda Hirshabeelle iyo Jubaland, uu door muuqda ka qaadanayo xoojinta ilaalinta bulshada iyo taageeridda qoysaska nugul.
 
— Dhammaad —
 
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Unuga Isgaarsiinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya
📍 Muqdisho, Soomaaliya

🌐 Website: www.molsa.gov.so

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

21 − 20 =
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top