Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Daahfuray Mashruuca “Xoojinta Adkeysiga iyo Shaqo-abuurka Dhallinyarada”

Green Paradise Hotel, Muqdisho
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Daahfuray Mashruuca “Xoojinta Adkeysiga iyo Shaqo-abuurka Dhallinyarada iyada oo loo marayo Iskaashatooyinka Ganacsiga Beeraha iyo Hab-nololeedyo Wax-soo-saar Leh”
 
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca “Xoojinta Adkeysiga iyo Shaqo-abuurka Dhallinyarada iyada oo loo marayo Iskaashatooyinka Ganacsiga Beeraha iyo Hab-nololeedyo Wax-soo-saar Leh”, oo ujeeddadiisu tahay xoojinta adkeysiga dhaqaale ee dhallinyarada, kobcinta shaqo-abuurka, iyo horumarinta iskaashatooyinka ganacsiga beeraha si loo abuuro hab-nololeedyo waara oo wax-soo-saar leh.
 
Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qaybgalay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Wasiirro ka kala socday Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, Ururka Soomaaliyeed ee Qurba-joogta Soo Laabatay (SDRN), bahda jaamacadaha, hay’adaha SOS Children’s Villages iyo Human Appeal, ururrada bulshada rayidka ah, ururrada u dooda xuquuqda aadanaha, Ururka Beeraleyda Dhallinyarada Soomaaliyeed, Qunsuliyadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, iyo dhallinyaro ka qalin-jabisay jaamacadaha dalka.
 
Mashruucan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Xarunta Horumarinta Iskaashatooyinka (CDC), iyadoo diiradda lagu saarayo taageeridda samaynta iyo horumarinta iskaashatooyinka ganacsiga beeraha si loo abuuro fursado shaqo oo waara, kor loogu qaado wax-soo-saarka, loona xoojiyo awoodda dhaqaale ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
 
Daahfurka mashruucan ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu kobcinayo shaqo-abuurka dhallinyarada, lagu xoojinayo iskaashatooyinka wax-soo-saarka, laguna horumarinayo dhaqaalaha dalka iyadoo la adeegsanayo iskaashi dhex mara dowladda iyo bah-wadaagta horumarinta.
 
⸻DHAMAAD———
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

51 + = 59
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top