Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Qaabilay Wafdi Heer Sare ah oo ka Socda ILO

 
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), oo uu hoggaaminayay Ndaba Khumbula, Agaasimaha Xafiiska ILO ee Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.
 
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ILO, gaar ahaan horumarinta siyaasadaha shaqada, shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo taageerada barnaamijyada lagu horumarinayo suuqa shaqada Soomaaliya.
 
Wafdiga ILO waxaa ka mid ahaa Simon Hills, EIIP Specialist; Ephrem Getnet, Chief Technical Adviser; Leila Abdullahi Daud, National Programme Officer; iyo Sharmarke Yusuf, National Project Coordinator.
 
Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay qaar ka mid ah Lataliyeyaashiisa Sare, kuwaas oo ka qayb qaatay wada-hadallada iyo falanqaynta qodobadii kulanka.
Sidoo kale, kulanka waxaa ka qayb galay Omar Faruk Osman, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU).
 
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay ILO taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda, ILO iyo ururrada shaqaalaha, si loo horumariyo fursadaha shaqo, xirfadaha shaqaalaha iyo nidaamka shaqada ee dalka.
 
Dhanka kale, wafdiga ILO ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo waaxda shaqada, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay ILO inay sii waddo taageerada farsamo iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya.
 
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku aaddan sii xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada lagu horumarinayo shaqo hufan, shaqo-abuur waara iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.
⸻ Dhammaad ⸻
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

22 − = 15
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top