Ministry of labour and social affairs

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan Aqoon isweydaarsi ugu qeyb-galay Magaalada Abuja ee xarunta Dalka Nigeria

Abuja, Sebtembar 29, 2022: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yusuf Mohamed Adan ayaa ka qayb galay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan qaab-dhismeedka maaliyadeed ee isku-dhafka ah iyo miisaaniyadda furan ee Yoolalka horumarinta waara.
Shirkan oo lagu qabtay Magaalada Abuja ee dalka Nigeria waxaa kasoo qeyb galay hey’adaha ka shaqeeya dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyo sidoo kale wufuud ka kala socday qaar ka mid ah dalalka gobolka.
Shirkan waxaa soo agaasimay hey’ada Caalamiga ah ee iskaashiga Miisaaniyadda, Hey’ada Qaramada Midoobay ee Horumarinta Mashaariicda (UNDP), Waaxda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (DESA), iyo Guddiga Dhaqaalaha Africa.
—Dhammaad—

Scroll to Top