Ministry of labour and social affairs

Shirkii Todobaadlaha ahaa ee Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo looga hadlay Qodobo muhiim ah  

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee sida joogtada ah isbuuc walba uu la yeesho Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

 

Hadaladii Agaaimaha Guud waxaa kamid ahaa “Agaasimayaashu waa tiirarka Wasaaradda, waana in ay yeeshaan wada shaqayn joogto ah, annaga oo walaalo ah ama qoyska MOLSA ah ee isugu yimid si aan ugu adeegno bulshada Soomaaliyeed, waa in aan kordhinaa hawlaha horyaala Wasaaradda gaar ahaan kuwa qorsheysan ee kujira halbeegga hor tabinta u ah Wasaaradda”.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale xusay natiijada Wada shaqeynta Agaasimayaasha muhiimada ay u leedahay Madaxda Wasaaradda: “Maamuuska wasaaradda gaar ahaan sharafta wasiiradu waxa ay ku xidhan tahay wada shaqaynta agaasimaha guud iyo Agaasime waaxeedyada wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada kuwaas oo loo igmaday horumarinta shaqo abuurka iyo Shaqooyinka dalkeenna”.

 

Shirka todobaadlaha ah ee Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa  diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah sida:

  1. Halka uu maraayo dhameystirka (Milestones)-yada Qorshaha 100ka maalmood ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada
  2. Falanqeynta Imaanshaha ama Soo Xaadirista Shaqaalaha

Agaasimaha Qorsheynta iyo Mashaariicda Saalad Xuseen Cabdulle ayaa jawaab waafi ah ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay Guud ahaan qorshaha hortabinta u ah Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray arrimaha shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana  shirka lagu casuumay madaxa Shaqaalaha (HRM), Khadar Muxamed Yuusuf oo u qaabilsan la socodka dhammaan shaqaalaha MOLSA kuwa soo xaadiray iyo kuwa fasaxa ku jira.

 

Mudane Khadar waxa uu sharaxaad ka bixiyay qaabka ay wax u socdaan, waxuuna soo bandhigay laba qodob oo wax ku ool ah oo ay ku hawlan yihiin shaqaalaha wasaaradda, oo kala ahaa:

 

  1. Ka faa’idaysiga Suul-saarka (Finger Print) iyo faridda dhammaan Shaqaalaha iyo Agaasimayaasha Wasaaradda in ay si joogto ah u saaraan Suul saarka.

 

  1. In Shaqaalaha lagu baraarujiyo imaanshaha Wasaaraddu inay waajib tahay, isla markaana loo sameeyo kala saarid lagu soo xulayo shaqaalaha, gaar ahaan kuwa Jaamacadaha dhigtay, taasoo loogu talagalay in lagu saleeyo xirfadaha ay leeyihiin shaqaalaha si loo helo hannaan wanaagsan ee loo sameeyo howlaha Waaxyaha Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

 

Shirka ayaa ku soo idlaaday jawi is afgarad ah iyo dhaqangelinta qodobadii Shirka looga hadlay.

 

Scroll to Top