Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo hadal ka jeediyay shirka Golaha Carabta ee Dadweynaha iyo Horumarinta

Riyadh, December, 22, 2022- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa ku sugan magaalada Riyadh ee xarunta Boqortooyadda Sacuudiga, halkaa oo u uga qeybgalay fadhiga afraad ee Shirka Golaha Carabta ee Dadweynaha iyo Horumarinta.

Shirka waxa diiradda lagu saaray horumarinta arrimaha Bulshada,sida shaqo abuurka Dhallinyarada, yaraynta saboolnimada iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa kororka dadweynaha.

Waxaa kale oo lagu fallan-qeeyey horumarka laga gaaray Yoolalkii Shirweynihii Caalamiga ahaa ee Dadweynaha iyo Horumarinta ee Qaahira lagu qabtay sannadkii 1994-tii. Waxaa kale oo xusid mudan in laysku raacay u diyaar garowga Shirka dib u-eegista Horumarka laga sameeyey Yoolalkii Shirkii Qaahira kaas oo lagu qaban doono magaalada New York sannadka soo socda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Bihi Iman Egeh oo hadal ka jeediyay shirka , wuxuu xaqiijiyay dadaallada Dawladda Soomaaliya ee taageerrada Bulshada in lagu gaaray isbeddelo, balse wuxuu tilmaamay inay wali jiraan caqabado ka dhashay saameynta abaarta iyo shaqo la’aanta ay wajahayaan dhallinyarada.

Fadhiga afraad ee Shirka Golaha Carabta ee Dadweynaha iyo Horumarinta , waxaa sidoo kale lagu doortay Xafiiska Fulinta ee Golaha Carabta ee Dadweynaha iyo Horumarinta oo ka kooban 7 Xubnood oo kala ah Dawladaha Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, Ciraaq, Suudaan, Tuniisiya, Algeeriya iyo Jabuuti.

Gebagabadii, shirka waxaa laga soo saaray qodobbo mudnaan u leh horumarinta Arrimaha Bulshada iyo Dadweynaha.

—Dhammaad—

Scroll to Top