Muqdisho, January, 19, 2023- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xil. Cismaan Libaax Ibraahim oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa maanta soo xiray tababar la xiriira kobcinta awoodda iyo fulinta adeegyada barnaamijyada ilaalinta bulshada.
Tababarka oo socday muddo shan cisho ah , waxaa qeyb-galay xubno ka socday Shaqaalaha Rayidka Dawladda ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada Dalka, iyadoo muddadaa lala wadaagay warbixinnada iyo hannaanka awoodsiinta howlwadeennada Dawladda ee fulinta barnaamijyada Ilaalinta Bulshada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa sheegay ujeeddada tababarkan inay la xiriirto horumarinta iyo awoodsiinta Shaqaalaha Rayidka Dawladda, si loo gaaro fulinta barnaamijyada taageeraya Bulshada.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xil. Cismaan Libaax Ibraahim oo tababarka soo xiray ayaa xaqiijiyay inay mudnaan gaar ah ay Dawladda siineyso horumarinta taageerrada Bulshada.
“Tababarkan wuxuu tilmaam u yahay, halka aan u socono ee ah muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa nugul inay gaaraan adeegyada Ilaalinta Bulshada , annaga oo diiradda saarayna sidii loo horumarin lahaa.”ayuu ku daray Wasiir Cismaan Libaax.
Tababbarka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay mashruuca Sagal oo qayb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, isagoo taageerro ka helaya Hay’adda Save the Children iyo daladda Somali Cash Consortium.
—Dhammaad—







