Ministry of labour and social affairs

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Wadani, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyey shir looga hadlaayay la-dagaallanka saboolnimada, kaasoo ka dhacay magaalada New York inta lagu guda jiray Shirweynaha 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Wadani, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyey shir looga hadlaayay la-dagaallanka saboolnimada, kaasoo ka dhacay magaalada New York inta lagu guda jiray Shirweynaha 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Agaasime Yuusuf ayaa khudbadiisa ku soo bandhigay guulaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya gaartay tobankii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan dhinacyada xasilloonida, dib u dhiska hay’adaha, iyo tayeynta adeegyada muhiimka ah. Waxa uu xusay barnaamijyo muhiim ah oo lagu horumarinayo dadka iyo raasamaalka bulshada, awoodsiinta bulshada, kobcinta fursadaha dhaqaale, iyo maalgashiga kaabayaasha dalka. Shirkan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 300 oo wakiillo ka socda dowlado iyo hay’ado caalami ah, kuwaas oo si wadajir ah u raadinaya xal-waara oo lagu yareeyo saboolnimada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

12 ÷ = 4

Scroll to Top