Guddiga Dhaqangelinta Siyaasadda Jaangoynta Mushaaraadka iyo Darajooyinka Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo ku guda jiro safarkooda aqoon kororsiga la xiriira arrimaha dib u habeynta shaqada iyo shaqaalaha oo uu hogaaminaayo agaasimaha Guud ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane YUUSUF XASAN ISAAQ ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Shaqada ee Dalka Rwanda.
Kulanka ayaa la isku dhaafsaday khibradaha la xiriira arrimaha hortabinta u leh dib u habeynta shaqaalaha, gaar ahaan kala saaridda, qiimaynta shaqada iyo qiimeynta waxqabadka.
Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga ayaa la kulmay masuuliyiinta Dugsiga Tababarka ee Shaqaalaha dalka Rwanda