Xafladda abaalmarinta shahaadooyinka Barnaamijka tababarka adeegyada Shaqo-Helidda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yussuf Wadani ayaa si rasmi ah u soo xiray xafladda abaalmarinta shahaadooyinka ka-qaybgalayaasha barnaamijka tababarka adeegyada shaqo-helidda, isagoo bogaadiyay dadaalka dhalinyarada ka faa’iideysatay tababarka.
Barnaamijkan tababarka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ay ku xoojinayso aqoonta iyo xirfadaha fudud ee dhalinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo-helidda loona xoojiyo awoodda shaqo-abuurka dalka.
Tababarkan oo socday muddo 3 bilood ah ayaa waxaa ka faa’iideystay in ka badan 200 oo dhalinyaro ah, iyadoo isbuuc kasta la tababarayay 25 dhalinyaro, kuwaas oo helay xirfado muhiim u ah ka-qaybgalka suuqa shaqada.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS waxay sii wadi doontaa hirgelinta barnaamijyo lagu taageerayo horumarinta dhalinyarada iyo shaqo-abuurka dalka.