Muqdisho, 21 Janaayo, 2023- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa mid-mid u kormeeray xafiisyada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Xilliga uu kormeerka soo dhammaaday ayaa warbixin la xiriirta qorshaha shaqo ee sannadka cusub , waxaa la wadaagay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige oo uu weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali iyo la-taliyaal sare oo wasaarada ka tirsan.
Gabagabadii , Mudane Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS ayaa boggaadiyay shaqada baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan, isaga oo kula dardaarmay shaqaalaha inay laba jibaaraan shaqada ay ummadda u hayaan.
—Dhammaad-



