Ministry of labour and social affairs

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xarigga ka jaray xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo dib u dhis lagu sameeyay

Muqdisho, Talaado, Feberaayo, 25,2020- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay, kaddib weerar ay sannadkii hore halkaa ka geysteen kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiq Warfa ayaa munaasabadda xarigga looga jaray dib u dhiska wasaaradda, wuxuu ka sheegay in maanta wasaaradda ay shaqeynayso iyadoo ka mid ah xarumaha dowladda ee ugu dhismaha wanagsan, wuxuuna markaa u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeybqaatay dib u dhiska wasaaradda oo dowladda Talyaaniga iyo Sweden ay ugu horreeyaan.

“Maanta dareen gaar ah ayay ii leedahay inan joogno xarunta wasaaradda oo dib u dhis ballaaran uu ka muuqdo, dadaal wadajir ah ayaan ku bixinay.” ayuu yiri isagoo markaa uga mahadceliyay howlwadeennada wasaaradda adkeysiga ay u muujiyeen in la soo gaaro marxad dhismaha wasaaradda uu uga mid noqday xarumaha hay’adaha dowladda ee ugu ballaaran.

Xafladda ayaa sidoo kale , waxaa hadallo boggaadin ah ka jeediyay safiirrada dalalka Sweden, Talyaaniga, Midowga Yurub, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo mus’uuliyiin kale.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa boggaadiyay dadaallada uu wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ku bixiyay dib u dhiska wasaaradda oo uu sheegay dib-u-dhis casri ah in lagu sameeyay, taas oo muujineysa in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aan laga hor istaagi karin horumarka ay hiigsanayaan.

“Qoladii is laheyd dadka Soomaaliyeed niyaddooda jebiya waxaa loo diray farriin tii hore ka culus waayo wasaaradda waxaa loo dhisay si ka wanaagsan sidii ay aheyd markii ay soo weerareen, haddii ay is lahaayeen dadka Soomaaliyeed ayaa laga nixiyaa, la qalbi jebiyaa ama hiigsigooda hoos loo dhigaa, waxaan leennahay dadka Soomaliyeed isma dhiibaan ma niyad jabaan, lagama adkaado, hiigsigooda kama tagaan, marka ugu dambeysana iyagaa guuleysanaya sida taariikhda Soomaaliyeed ay sheegto,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Halkan waa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada boqolkiiba toddobaatan iyo shan dadkeenu waa dhallinyaro waana shaqo la’aan, taasi waxay ka turjumaysaa ahmiyada ay wasaaraddan dalka u leedahay, haddii waagii hore fikirku ahaa wasaaraddo kale, muhiimada ugu weyn ee dalku uu yeelan doono waxaa ay tahay in shaqo abuur laga shaqeeyo, sababto ah laga billaabo maalinta berri ah iyo toddobaadyada soo socda sawirka dalka Soomaaliya iyo duniddaba waxaa qabsan doona dowlad Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deyn cafiskii heli doonta dhaqaale fursad ay u noqon doonto inay dadkeeda shaqo u abuurto, dalkana dib u dhisto,” ayuu ku daray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Muddada uu socday dib u dhiska xarunta Wasaaradda ayaa waxaa shaqo abuur loogu sameeyay 150 dhallinyaro Soomaaliyeed.

Scroll to Top