Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoominaayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta meel-mariyay Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada Soomaaliyeed (Labor Migration Policy).
Siyaasaddan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu hagayaa sida loo maareeyo, loo horumariyo loona ilaaliyo shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya gudaha iyo dibadda dalka.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta siyaasaddan, isagoo sheegay in ay gacan ka geysan doonto abuuridda fursado shaqo oo badan, kor u qaadidda xirfadaha shaqaalaha, iyo ilaalinta xuquuqdooda, taas oo qayb ka ah qorshaha guud ee horumarinta dalka.


