Ministry of labour and social affairs

Shirka Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalalka J/Carabta ayaa ka qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawladda Fedaraalka Soomaliya Xildh. Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawladda Fedaraalka Soomaliya Xildh. Biixi Iimaan Cige ayaa Dalka Masar uga qeyb galaya Kalfadhiga 49-aad Madasha Wasiirada Jaamacadda Carabta.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan hogaamiyo waftiga sadex geesoodka ah ee sida firfircoon uga qayb galaya kalfadhiga 49-aad ee shirka shaqaalaha carabta (ALC) ee Qaahira. ALC waa goob muhiim ah oo lagu dejiyo siyaasado iyo talooyin ballaadhan ee ku saabsan arrimaha shaqada si wax looga qabto caqabadaha guud ee ka jira gobolka” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Kal-fadhi oo socday muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa looga dooday arrimo badan oo kamidyihiin xoojinta iskaashiga iyo wadajirka Shaqaalaha Wadamada Carabta.

Scroll to Top