Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, Prof. Salim Alio Ibro, ayna wehlinayaan Agaasimaha Guud, Mudane Yusuf Wadani, iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa kulan la yeeshay Hay’adda Caymiska Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga (Sosyal Güvenlik Kurumu – SGK). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray habraacyada caymiska bulshada ee Turkiga, qaab-dhismeedka hay’adda, iyo nidaamyada isku-dhafan ee caafimaadka, hawlgabka, iyo kaalmada shaqaalaha.
Intii uu kulanku socday, madaxda SGK ayaa soo bandhigay taariikhda iyo habraaca horumarinta nidaamka caymiska bulshada ee Turkiga, iyagoo la wadaagay wafdiga Soomaaliyeed waayo-aragnimo ku saabsan isku xirka adeegyada iyo maamulka dijitaalka ah.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta iyo is-dhaafsiga aqoonta si loo dhiso nidaam caymis bulsho oo waara oo daboolaya baahiyaha shacabka Soomaaliyeed