Ministry of labour and social affairs

Wafdiga ka socday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo uu hoggaaminayay Agaasimaha guud ee wasaaradda mudane yusuf xasan isaaq oo booqashadoodi shaqo ee dalka Pakistan ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagaboobay.

Wafdi heer sare ah oo ka kooban 17 xubnood oo ka socday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo muddo todobaad ah oo ay ku joogeen dalka Pakistan. Wafdigan oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Yussuf Wadani, ayaa muddadii ay joogeen Pakistan kororsaday faham qoto dheer, aqoon cusub iyo waayo-aragnimo la taaban karo oo la xiriirta barnaamijka taageerada bulshada ee BISP (Benazir Income Support Programme). Booqashadan oo socotay muddo todobaad ah waxay ahayd fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya waxay u aragtaa booqashadan mid laf-dhabar u noqon doonta dadaallada lagu horumarinayo barnaamijyada taageerada bulshada ee dalka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

× 6 = 60

Scroll to Top