Ministry of labour and social affairs

Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo maanta daahfurtay shirka aqoon is waydaarsiga ansaxinta barnaamijka ku shaqaaleysiinta wax soo saarka miyiga.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  ayaa maanta daahfurtay shirka aqoon is waydaarsiga ansaxinta barnaamijka ku shaqaaleysiinta wax soo saarka miyiga, Shirkaas ayaa kasoo wada qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan iyo Wakiilka Hay’adda FAO ee Somalia. Mas’uulyiinta kasoo qeyb galay shirka ayaa inta uu shirka socday soo bandhigay doodo kala duwan, iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay cilmi baarisyo la sameeyay. sidoo kale Wakiilka Hay’adda FAO oo goobta ka hadlay ayaa amaanay Dadaalka ay waddo wasaaradda, wuxuuna hadalkiisa raaciyay in ay sii wadi doonaan taageerada Shacabka Soomaaliyeed. Ugu Dambeyn Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in laga soo saari doono shirkaan qodobo wax u tari doona Bulshada Soomaaliyeed.  

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

9 × = 9

Scroll to Top