Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfurtay wejiga koowaad ee Barnaamijka Ka Jawaabista Masiibooyinka (Shock Response Intervention) oo laga fulinayo magaalooyinka Beletweyne, Balcad, Buulo-burte iyo Xudur.
Barnaamijkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu taageero qoysaska nugul ee ay saameeyeen masiibooyinka la xiriira isbedelka cimilada, iyadoo la xoojinayo ka bogsashada, hoos loo dhigayo xeeladaha waxyeellada leh ee ay isticmaalaan qoysaska, lana dhisayo adkaysi muddo dheer ah.
Barnaamijkan waxa uu muujinayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax ka qabashada masiibooyinka isdaba joogga ah, isagoo la jaanqaadaya qorshayaasha qaranka ee la xiriira la tacaalida isbedelka cimilada, horumarinta barnaamijyada kaabayaasha nolosha, iyo kor u qaadista ilaalinta bulshada nugul.