Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Cadaado ee Dowladda Goboleedka Galmudug ka furtay tababar soconaya laba maalmood oo loo qabanayo shaqaalaha dowladda iyo la-hawlgalayaasha si ay u bartaan adeegsiga nidaamka casriga ah ee USR (Unified Social Registry) iyo App-ka mobilka. Tababarkani waa Training of Trainers, taasoo macnaheedu yahay in dadka la tababarayo ay noqdaan tababarayaal u diyaariya shaqaalaha kale ee ku lugta leh ururinta xogta bulshada.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah hirgelinta wajiga labaad ee barnaamijka SAGAL II, oo ah dadaal ballaaran oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku horumarinayso nidaamka ilaalinta bulshada. Ujeeddada ugu weyn waa in la dhiso nidaam hufan oo lagu ururiyo, kaydiyo, isla markaana lagu falanqeeyo xogta dadka u baahan taageerada dowladda – sida dadka saboolka ah, naafada, iyo qoysaska nugul.
Adeegsiga nidaamka USR iyo App-ka mobilka wuxuu fududeynayaa in xogta si degdeg ah oo sax ah loo helo, taasoo kor u qaadaysa hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.
Tababarkani wuxuu tusaale u yahay dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ku xoojinayso hay’adaha dowliga ah, iyadoo kor loo qaadayayo tayada shaqaalaha, lana dhisayo nidaamyo casri ah oo waara.








