Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Hay’adda Istaatistikada Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdishu ku daahfurtay Warbixinta Saboolnimada Ee Qaybaheeda Kala Duwan (Multi-Dimensional Poverty Index – MPI).
Munsaabaddan oo si rasmi u daahfuray Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la fahmo saboolnimada dhinacyadeeda kala duwan si loo dejiyo siyaasado waxtar leh horumarinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hormuud u noqoto dadaallada lagu yareynayo saboolnimada, iyadoo la xoojinayo siyaasadaha iyo barnaamijyada u adeegaya danta guud — ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa sheegey in Warbixinta ay soo bandhigayso heerarka saboolnimada ee ka jira Soomaaliya iyo saameynta ay ku leedahay dhinacyada nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu yaraynayo saboolnimada, iyadoo la isticmaalayo xog sugan oo horseedi karta qaadashada tallaabooyin wax ku ool ah.











