Muqdisho , November, 1, 2022- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa isagoo hoggaaminaya wafdi ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed , wuxuu booqday xarunta Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed oo uu ka socda gurmadka looga jawaabayo saameynta qaraxyadii Soobe.
Ujeeddada booqashada ayaa la xiriirtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed sidii kaalmo dhaqaale iyo farsamo qeyb uga noqon lahaayeen gurmadka ka socda xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed .
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay xarunta uu ka socdo gurmadka dhaqaale aruurinta, isagoo ka guddoomiy Wasiir Biixi $6040 (lix kun iyo afartan dollar) , lacagtaa oo $4040 (Afar kun iyo afartan) ay tahay kaalmo degdeg ah oo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS uga qeybqaadaneyso gurmadka, halka guddiga qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed uga qeybqaatay $2000 (Labo kun oo dollar).
Sidoo kale , kooxda gurmadka waxaa ku biiray shan ka mid ah Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo Hay’adda Dawladda ay diyaariyeen 20 ka mid ah Shaqaalaha Dawladda oo qeyb ka noqonaya howlgalka gurmadka ee socda .
“ Shaqaalaha Rayidka waxaa ka go’an dhaqaale iyo farsamaba inay uga qeybgeli doonaan gurmadka socda , “ ayuu yiri Wasiir Biixi oo intaa ku daray “ Waxaan go’aaminay in Shaqaalaha Dawladda ay diyaariyeen koox aqoon iyo farsamaba u leh xaaladaha deg degga ah oo xilliga markaa loo baahanyahay diyaar u noqda.”
Wasiiru Dawladaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yusuf Maxamed Aadan , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali , Guddoomiyaha guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya , Xasan Abshir Maxamed (Abshirow) , mas’uuliyiin iyo howlwadeennada ka tirsan Wasaaradda iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa qeyb ka ahaa wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka ee booqaday xarunta Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed .
—Dhammaad—







