Kulan saddex geesood ah ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada kaasoo looga hadlayay dadargelinta qeybta kaga aaddan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Qorshaha Isbadalka Qaran ee Dawladda Federaalka Soomaaliya (NTP), 2025-2029.
Kulankaan oo uu shir guddoominayay Wasiir Dawlaha Wasaaradda Shaqda iyo Arrimaha Bulshada Xil. Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa waxaa kasoo qeybgalay Guddiga Farsamo ee Diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaran ee Wasaaradda Shaqda iyo Arrimaha Bulshada iyo Xubno ka socday Hay’adaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, iyo Urrurada Shaqaalaha.
Ku Simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda qorsheynta Mudane Salaad Xuseen Cabdulle ayaa kulanka kusoo bandhigay xogo muhiim ah oo ay kamid ahaayeen qorshayaasha hortabinta leh ee u degsan Wasaaradda Shaqada 5-ta sano ee soo socota.
Ugu dambeyn Wasiiru dawlaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay, in si wadajir ah loo dardargeliyo Qorshaha Isbedalka Qaran ee Dawladda.