Ministry of labour and social affairs

Wasiir-Dowlaha wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa maanta magaaladda Muqdishu ku daahfurey kulan loga hadlayay Saboolnimada qeybaheed kala duwan ee heer qaran.

Wasiir-Dowlaha wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta magaaladda Muqdishu ku daahfurey ansixinta aqoon-is-weydaarsiga Warbixinta Tusaha Saboolnimada qeybaheed kala duwan ee heer qaran (National Multidimensional Poverty Index Report (NMPI). Aqoon-is-weydaarsigan ayaa diiradda lagu saaray sidii warbixinta Tusaha Saboolnimada Qaybaheeda Kala duwan door muhiim ah ugu cayaari laheyd qaabeynta istaraatijiyadaha horumarineed ee Soomaaliya iyo hagidda dadaallada lagu dhimayo faqriga iyadoo lagu qiimaynayo dhinacyo kala duwan. Aqoon-is-weydaarsigan ayaa iska kaashaday wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS iyo heyada istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed, ayadoo kaalin muhiim leh ka qaadatay hey’ada UNDP, waxaana kasoo qeybgaley Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kama Guutaale iyo sidoo kale Marina Walter oo ah ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda UNDP ee dalalka Carabta iyo marti sharaf kale.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

24 − 20 =

Scroll to Top